Rekommendera Skriv ut

Polis och domstol

Rättsväsendet arbetar för människornas trygghet och säkerhet. Målet är att minska brottsligheten och att öka människors trygghet. 

Garsoorku wuxuu ka shaqeeyaa ammaanka iyo ilaalinta bulshada. Ujeeddaduna waxa weeye in la yareeyo falalka dembiyada oo la kordhiyo ammaanka bulshada.

Polisen

Polisen arbetar med att förebygga brott, till exempel med att stoppa brott och att få människor att inte begå brott. Polisen besöker skolor för att berätta för barn och ungdomar om sitt arbete. På en del plaster finns så kallade närpoliser som har sitt kontor nära där människor bor.

Om man har varit med om ett brott eller om man har sett ett brott ska man anmäla det till polisen.

  • Vid akuta situationer ring SOS Alarm på telefonnummer 112.
  • Vid icke akuta situationer ring 114 14 eller anmäl brottet på polisens webbplats. 

Boliiska

(Polisen)
Boliisku wuxuu ka shaqeeyaa ka hortagga dembiyada, tusaale in la baajiyo in fal dembi dhaco iyo in dadka la dareensiiyo in aysan dembi gelin. Boliisku wuxuu booqasho ku tagaa dugsiyada si ugu sharaxo carruurta iyo dhallinyarada hawlaha ay qabtaan. Meelaha qaarkood waxaa ku yaal xarumo boliis oo loogu talagalay in ay bulshada ka dhexmuuqdaan.

Qofkii fal dembi galay ama arkay fal dembi wuxuu ku wargelinayaa boliiska.

  • Xaalad degdeg ah wac lambar qayladhaanka ee SOS Alarm 112.
  • Wixii aan degdeg ahayn wac lambarka 114 14 ama wargelinta ku qor bogga Internet-ka boliiska. 

Domstolarna 

Svenska domstolar ska vara opartiska och självständiga. Det betyder att varken riksdag, regering eller någon annan myndighet får lägga sig i hur domstolen dömer i ett fall.

De domstolar som avgör i brottmål och tvistemål kallas för allmänna domstolar. Brottmål är när någon är misstänkt för att ha begått ett brott.

Tvistemål är när två personer inte kan komma överens om till exempel ett köpeavtal, ett arv eller vid en skilsmässa. 

Maxkamadaha

(Domstolarna)
Maxkamadaha dalka Iswiidan waa kuwo madaxbannaan oo siyaasadda ka xor ah. Taas micneheedu waxa weeye in aan baarlamaanka, dowladda ama hay’ad kale soo farageshan karin hawlaha maxkamadaha iyo sida ay wax u xukumayaan.

Maxkamadaha xalliya falalka dembiyada iyo khilaafka waxaa lagu magacaabaa maxkamadaha guud. Dacwad dembi waxay imaaneysaa kolka qof lagu tuhunsan yahay in uu fal dembi galay.

Dacwad khilaaf waxa weeye kolka laba qof ay arrin ku heshiin waayaan, sida heshiis wax kala gadasho, dhaxal ama furrin 

Vad händer efter ett brott? 

Om ett brott har skett ska det anmälas till Polisen. Polisen utreder brottet för att fastställa hur det har gått till och leta efter bevis. Om det finns tillräckligt mycket bevis kan brottet tas upp i domstol.

Både den som misstänks för brottet och den som utsatts för brottet ska komma till domstolen tingsrätten. Personer som har sett brottet, vittnen, kan också bli kallade för att vittna. Tingsrätten ska bedöma om den tilltalade är skyldig och vilket straff han eller hon ska få.

Straff kan vara böter, att den dömde ska betala pengar, eller fängelse. Straff kan också vara en villkorlig dom, som betyder att den dömde slipper fängelse men att myndigheterna ska kontrollera den dömde en viss tid. Dödsstraff tillämpas inte.

Om man är missnöjd med domen från tingsrätten kan man överklaga den till domstolen hovrätten. Både den som dömts för ett brott och den som utsatts för ett brott kan överklaga domen.

Det finns även en domstol som kallas för Högsta domstolen. Högsta domstolen tar bara upp brottmål som är viktiga för hur texten i lagarna ska skrivas eller om det har kommit fram nya bevis som tingsrätten och hovrätten inte har fått se.

För information och stöd till brottsoffer kan man kontakta Brottsofferjouren. Riskförbundet för sexuellt likaberättigande, (RFSL) har också en brottsofferjour.

Maxaa dhaca fal dembi kadib? 

(Vad händer efter ett brott?)
Haddii dembi dhaco waa in lagu wargeliyaa boliiska. Boliiskuna wuxuu baaritaan ku sameeyaa in fal dembi dhacay oo uu soo ururiyaa caddaymaha iyo markhaatiyaasha. Haddii caddaymuhu ay culus yihiin waxaa qofka la hor keenaa maxkamad.

Qofka falka dembiga galay iyo kan loo geystayba waxay hor yimaadaan maxkamadda. Waxaa kale loo yeeraa dadka markhaatiga ka ah in fal dembi dhacay. Maxkmaddu xukun ayey ku soo rogtaa haddii eedeysanuhu uu dembiga galay oo waxaa la mariyaa ciqaabta uu/ay mudan yahay/tahay.

Ciqaabtu waxay noqon kartaa ganaax uu qofka la xukumay lacag bixiyo ama xabsi. Ciqaabtu waxa ay kaloo noqon kartaa xukun shuruudaneysan oo micneheedu yahay in aan qofka la xukumay xabsi la gelin laakiin korka laga ilaaliyo muddo. Xukun dil ahi kama jiro dalka Iswiidan.

Haddii uusan qofku ku qanacsanayn xukunka wuxuu rafcaan u qaataa maxkamadda rafcaanka. Eedeysanaha iyo dhibbanaha labaduba waa ay qaadan karaan rafcaan.

Waxaa jiraa kaloo jira Maxkamadda Sare. Maxkamadda Sare waxay wax ka qabataa falalka dembi oo muhiimka u ah sida sharciyada loo qorayo ama haddii ay yimaadaan caddaymo cusub oo aan maxkamadihii arag.
Warbixin dheeraad ah iyo taageerada dhibbanayaasha waxaa laga heli karaa Heeganka dhibbanayaasha. 

Rättshjälp 

Om man deltar i en förhandling i en domstol kan man få ekonomiskt bidrag. Staten kan betala en del av kostnaden för advokat, vilket kallas rättshjälp. Har man en hemförsäkring kan det finnas rättsskydd i den. Det betyder att hemförsäkringen betalar en del av kostnaden. 

Taageerada xagga sharciga 

(Rättshjälp)
Qofka ka qaybgalaya dacwad maxkamadeed wuxuu xaq u yeelan karaa in la siiyo kaalmo dhaqaale. Dowladda ayaa bixineysa qayb ka mid ah kharashka qareenka oo lagu magacaabo taageero sharci. Haddii qofku caymis ku jiro waxaa dhici kara caymiskaasi kabo kharashka maxkamadda. Taas micneheedu waxa weeye in caymisku bixiyo qayb ka mid ah kharashaka maxkamadda.